Wasaaradda Ciyaaraha Oo Go’aamo Ka Soo Saartay Ciyaartii HAWD Iyo DAAD-MADHEEDH Oo Buuqu Ka Dhashay

Hargeysa (HCTV) – Guddiga Anshaxa ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa Go’aamo ka soo saartay Ciyaar Shalay dhex martay Gobollada Hawd iyo Daad-madheedh, taasi oo uu dhashay khilaaf gaadhay in Rabshado ka dhacaan Garoonka Hargeisa Stadium.

Ciyaartii Shalay oo ku tiirsanayd Tartanka Gobollada Somaliland ayaa waxa Gool ku laag toos ah diiday Kooxda ku Ciyaaraysa Magaca Gobolka Hawd, taasina waxay sababtay Rabshado socday illaa Xalay isla-markaana keenay in Dad ku dhaawacmaan.

Guddiga Anshaxa ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo cuskanaya Qodobbada sharci ee ay ku Maamulayaan Tartanka Gobollada dalka, ayaa Go’aamo ay saaka soo saareen waxay ku sheegeen inay badisay Kooxda Daad-madheedh, maaddaama oo Sharcigu dhigayo in kooxda Rabshad abuurta laga qaadayo Dhibcaha, xitaa haddii ay badisay.

Sidoo kale, waxa Xulka Gobolka Hawd lagu ganaaxay inay muddo 5 Sanadood ah ay ka maqnaadaan Ciyaaraha Somaliland.

Halkan Hoose Ka Akhri Go’aammada Guddiga Anshaxa

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka