Wararkii U Dambeeyay, Saddex Gantaal Oo Tigreey-gu Ku Dhuftay Caasimadda Eriteria

Asmara (HCTV) – Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Jabhadda TPLF ee Qoomiyadda Tigreey ee dalka Itoobiya ay Xalay saddex gantaal oo nooca ridida dheer ah ku weerartay magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Wararka ayaa sheegaya inay gantaaladu ku dhaceen madaarka Asmara iyo wasaaradda warfaafinta Ereteriya.

Ma jiro wax war ah oo ay dawlada Ereteriya ka soo saartay arrintan, laakiin Telefishanka TPLF ayaa xalay baahiyay in TPLF duqayn doonto Asmara oo uu ku eedeeyay in weeraro lagaga soo qaaday.

Sidoo kale, Diblomasiyiin fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee dalka Ereteriya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in ugu yaraan saddex gantaal lagu garaacay magaalada Asmara.

Diblomaasiyiintu waxay sheegeen in ugu yaraan laba ka mid ah gantaaladaasi ku dhaceen madaarka Asmara.

TPLF ayaa ku eedaysay dawladda Ereteriya inay qayb ka tahay dagaalka ku socda, laakiin wasiirka arrimaha dibada Ereteriya Cismaan Saalax ayaa Reuters u sheegay  inaanay qayb ka ahayn dagaalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka