Al-Shabaab Oo Degmada Waajid Ku Dilay Qoys 7 Qof Ah

Waajid, (HCTV) – Wararka ka imanaya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab toogasho ay ku dileen dad hal qoys ka tirsanaa.

Al-shabaab oo weeraray guriga ay ku noolaayeen qoyskan ayaa  dilay 7 qof oo qoyskaasi ka koobnaa oo ahaa Hooyo, Aabihii iyo caruur ay dhaleen.

Aabaha Guriga ee weerarka ku dhinatay ayaa la sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa militariga Soomaaliya isaga oo isku dayay in uu iska caabiyo weerarka uga yimid xoogagga Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay dilkan dadka halka qoys ka koobnaa oo siweyn argagax ugu abuuray bulshada ku dhaqanka gobolka Bakool.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay dadkaasi Al-Shabaab ku dileen degmada Waajid, isaga oo arin nasiib darro ah ku tilmaamay dilka loo geystay qoyska.

Dhawaan ayeey aheyd markii Al-shabaab isla gobolka ku gubeen 7 gaadhi oo xamuul ah oo ay lahaayeen dad shacab ah kana anbabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.