Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Sagootiyey Kooxda Kubadda Cagta Ee Maqalka Naafada Ka Ah Oo Tartan Caalami Ah Kaga Qayb-galaya Jabuuti

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagootin ah kula qaatay kooxda haysata horyaalka  kubbadda cagta wiilasha ee maqalka naafada ka ah ee gobollada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah xulka gobolka Awdal oo tartan caalami ah kaga qayb-gelaysa dalka Jabuuti.

Kulankan sagootinta ah oo ay madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayeen wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, hoggaanka xidhiidhka kubbadda cagta iyo khubaro dhinaca ciyaaraha ahi, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku ku guddoonsiiyey kooxda maqalka naafada ka ah ee ka socota gobolka Awdal agab ciyaareed oo dhammaystiran, kaas oo ay kaga qaybgeli doonaan tartankaas ka dhacaya dalka Jabuuti.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha, ayaa si wada-jir ah ula dardaarmay kooxda kubbadda cagta ee ka socota gobolka Awdal ee tartanka kaga qayb-gelaysa dalka Jabuuti, waxana ay ku adkeeyeen inay ku dedaalaan sidii ay tartankaas uga soo hoyn lahaayeen guul ay kor ugu qaadaan magaca Somaliland iyo sumcaddoodaba.

Qaar kamid ah ciyaaryahannada maqalka naafada ka ah ee kasoo jeeda gobolka Awdal oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweyne-ku-xigeenka iyo xukuumaddaba ugaga mahadnaqay taageerada ay ciyaartoy ahaan la garab galeen, waxana ay ballan-qaadeen inay ku dedaali doonaan inay libin ka keenaan tartankaas ay nasiibka u heleen.

Wa-bilaahi Tawfiiq