Saynisyahan Irani Ah Oo Lagu Dilay Meel U Dhaw Tehran

Tehran, (HCTV) – Saynis-yahan sare oo ka tirsan Barnaamijka Nuclear-ka ee dalka Iran oo magaciisa la yidhaa Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu dilay gudaha dalka Iran, waxaana lagu eedeeyey Israel inay shirqooshay Saynisyahankan, sida uu ku waramay Telefishanka dalka Iran.

Fakhrizadeh ayaa lagu toogtay isagoo ku sugan Absard oo ku taala bariga magaalada Tehran xili uu gaadhigiisa watay.

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa sidoo kale xaqiijiyey saacado hore oo maanta ah in la dilay Fakhrizadeh, dhawr qof oo kuwii weerarka soo qaadayna la dilay.