Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Maamulka Hirshabeelle Oo Ka Dhacay Baledweyne

Baladweyne, (HCTV) – Banaanbaxan oo ah mid aad u xoogan oo ay dhigayaan bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka socda magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana banaanbaxa looga soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Banaanbaxayaasha ayaa xirtay wadada laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ahaaneed ee magaalada Baledweyne iyagoo wadada ku jaray taayaro ay gubeen iyo dhagxaan.
Dibadbaxaan ayaa sidoo kale imaanaya xili ciidamo isugu jira Militari Nabadsugid iyo Boolis aay goordhaw oo saaka ah u jiheystay dhanka fariisimaha ciidamada Janaraal Xuud inkasto ilaa hadana uusan dhicin wax iska hor imaad ah balse xili walba laga cabsi qabo inuu qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada Janaraal Xuud iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Banaanbaxayaasha oo wajiyadooda carro xoogan ka muuqatay ayaa ku qeylinayay Hirshabeelle doonimeyno Cali Guudlaawe doonimeyno iyo erayo kale.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegeen iney taageersan yihiin Janaraal Xuud iyo ciidamadiisa oo ay ka soo horjeedaan Hirshabeelle.
Dibadbaxaan ayaa imaanaya xili mudo ka badan hal todobaad madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe inuu tago Baledweyne ay u diidan yihiin ciidamo hubeysan oo la baxay Golaha Samata Bixinta Hiiraan.
Banaanbaxa wali wuu socda mudo saacado ah waxii kusoo kordhana waan idiin soo gudbin doona Insha allaah.