Caasimada Eritrea Oo Markii 3aad Gantaalo Lagu Garaacay

Asmara, (HCTV) – Gantaalo laga soo ganay waqooyiga Ethiopia ee gobolka Tigrayga ayaa lagu garaacay caasimada dalka Eritrea ee Asmara, sida ay xaqiijinayaan diblomaasiyiin ku sugan Asmara, maanta oo Axad ah.

Safaarada dalka Maraykanka ee Asmara ayaa ku warantay in lix qarax laga maqlay caasimmada dalka Eritrea, waxaanay qaraxyadani dhaceen ilaa 10pm habeenimo ee xalay – saacado yar uun ka dib markii Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu ku dhawaaqay guusha milatarigiisu ay ka gaadheen gobolka ay xukumaan TPLF.

Weeraradan gantaalada ah ee lagu garaacay Asmara ayaa hoosta ka xariiqaya markii saddexaad ee gantaalo laga soo riday Tigrayga lagu duqeeyo Asmara tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Tigraygu uu bilaabmay November 4-teedii.