Muqdisho: Saddex Xubnood Oo Ururka Al-shabaab Ka Tirsan Oo Dil Toogasho Ah Lagu Fuliyey

Muqdisho, (HCTV) – Maxkamada Ciidamada Qalabka sidda ee Soomalaiya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku filisay saddex xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Xubnaha dilka toogashada ah lagu fuliyey ayaa waxa ka mid ah Maxamed Xaaji Axmed oo caan ku ah magaca [Macalin Ilkacase] oo ay dowladdu ku tilmaamtay dilaagii ugu weynaa Al-shabaab iyo labo xubnood oo kale oo la shaqeyn jiray.

Macalin Ilkacase oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ayaa gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ka fuliyay dilal dhowr ah oo uu si layaab u leh u qorsheeyay, isaga oo dhinaca kalana ahaa Macalin Iskuul oo dadka bara Luuqada English -ka.

Marka laga soo taggo magaca Macalin  Ilkacase sidoo kale waxaa uu ku shaqeysan jiray magacyo kale oo dhowr ah oo marar badan jahwareeriyay ciidamada Nabadsugida Qaranka ilaa ugu danbeyntii ay ogaadaan qofka magacyadan oo dhan iska leh in uu yahay Maxamed Xaaji Axmed.

Waxaa sidoo kale toogashadan lagu fuliyay Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed oo labaduba ka tirsanaa qeybta Amniyaadka Ururka Al-shabaab dilal kala duwanna ka geystay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 31-kii Bishii December ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase iyo xubno kale, kuwaas oo maxkamadu sheegtay in ay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.