Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Safiirkoodii Kenya U Fadhiyey

Muqdisho, (HCTV) – Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa war xalay ka soo baxay ku amartay safiirka Kenya ee Soomaaliya in uu dalka isaga baxo iyada oo dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya oo dalka ku soo laabtay.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo safiir Tarsan ayaa iska wareystay xaaladihii ugu danbeeyay ee xiriirka labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya oo sanadihii ugu danbeeyayba xumaa.

Dowladda Kenya oo dhinaceeda ka hadashay go’aanka dowladda Soomaaliya ku ceyrisay safiirkoodii ka joogay Soomaaliya waxaa ay sheegtay “ay ka xun tahay” go’aanka ay dib ugu u yeeratay safiirkeeda, wuxuuna ballan-qaaday in labada dal ay arrintan uga wada-hadli doonaan hab diblomaasiyadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya in ay fara-galin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya taasoo meel ka dhac ku ah madax-bannaanida iyo Qarannimada dalka iyo dadka.