Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Dalka Czech Republic Ee Fadhigiisu Yahay Addis-Ababa

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Dalka Czech Republic Ee Fadhigiisu Yahay Addis-Ababa

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho Oo Lagu Dilay Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Deegaanka Garasbaaley
Ujeedada Socdaal Madaxweyne Farmaajo Ugu Baxay Dalka Ruushka
Soomaaliya Oo Amaro Ku Soo Rogtay Kenyan-ka Doonaya Inay Dalkeeda Soo Galaan
India: Sarkaal Sare Oo Muwaadinnimadiisa Muran La Geliyey
Wefigii Somaliland Ee Siday Gargaarka Beleadweyne Oo Muqdisho Gaadhay

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb Pavel Mikes oo safar ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaas waxa lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara dalalka Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid Dalka Somaliland.

Waxa kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan.

Dhinaca weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey safiir ku xigeenkiisa Amb. Jaroslav Zukersein, Mr. Martin oo ah wasiirkii hore arrimaha gudaha ee Jamhuuriyada czech isla markaana hada ah maareeyaha guud ee VAE- gacantana ku haya mid ka mida shirkadaha ugu waa weyn Yurub iyo Mr Mubarak oo isna ka socday maamusha hay’adda VAE

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS

%d bloggers like this: