Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Ka Qeyb-galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee AIDS-ka

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay Xuska maalinta Caalamiga ah ee AIDS-ka  oo loo asteeyey 1 bisha 12aad ee sannad walba Xafladaasi oo ay soo qaban-qaabiyeen Komishanka Xakamaynta HIV ee Somaliland ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo qoyska, Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Masuuliyiinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka.

Agaasimaha Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Cabdishakuur Ismaaciil Muumin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sannadkan 2020 la baadhay dad ku dhaw 2,500 (laba kun iyo shanboqol)  oo qof islamarkaana laga helay 119-qof, oo wadarta guud ee  Bulshada ka noqonaysa 5% waxaana uu xusay in guud ahaanba dadka xanuunka la nool, Somaliland lagu qiyaaso 5,500 oo qof kuwaasi oo ku kala sugan gobolada iyo degmooyinka Dalka, agaasimuhu waxaa kale oo uu sheegay in sannadkan uu takoorku kor u dhacay  63%, sidoo kalena ay guddida komishanku  tageen iskuulo ardayda waalidkood  la nool yahay xanuunka laga soo eryey oo ay soo xaliyeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kor loo qaado wacyiga bulshada si aan dadka xanuunkaasi la nool aanay u dareemin takoor.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo gebagebadii madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la nool Xanuunka AIDs-ka aan la takoorin  islamarkaana kor loo qaado wacyiga Bulshada si loogu baraarujiyo inaan xanuunkan lagu kala qaadi karin  Salaanta wax dhigashada  iyo inta la hal maasha balse uu yahay xanuun jidhka ku dhex jira oo laysugu gudbin karo dheecaan oo keliya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in marwalba la laban laabo Xakamaynta Xanuunkaasi si bulshadu u noqoto mid caafimaad qabta, waxaana uu Komishanka iyo Hay’addaha la shaqeeya ku dardaaray in halkaasi kasii wadaan hawsha.

Wa-bilaahi Tawfiiq