Muhadaraad Lagaga Soo Horjeedo Go’aan Madaxweynaha Puntland Ka Soo Saaray Lacagta Shillinka Soomaaliya Oo Galkacayo Ka Dhacay

Gaalkacayo, (HCTV) – Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamul goboleedka Puntland waxa ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeedo diidmada lacagaha shilinka Soomaaliga kadib markii madaxweyne Deni uu shalay soo saaray wareegto lagu mannuucayo in lacagta shilin Soomaaliga lagu qaado cashuurka ilaha dakhliga.

Wareegtada madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa kusoo beegantay xilli Puntland laga cabanayo sicir bararkii ugu xooganaa abid, iyadoo albaabada loo laabay inta badan suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Mudaharaadka maanta ka dhacay Gaalkacyo, ayaa ah mid xoogan, iyadoo dadku cadho weyn ka muujinayaan hadalka madaxweyne Deni ee ah diidmada lacagaha shilinka Soomaaliya in lagu qaado canshuuraha.

Dibadbaxaayasha ayaa hakad galiyay isku socodka gaadiidka, iyagoo  taayaro iyo dhagaxaan ku jaray wadada laamiga weyn ee bartamaha Gaalkacyo.

Inkastoo madaxweyne Deni uu sheegay in go’aanka uu qaatay uu qeyb ka yahay dadaalada lagula dagaalamayo sicir bararka hadana, wuxuu dhinaca kale niyad xumo kusii abuuray shacabka la daalaa dhacayay sicirka bararka.