Sucuudiga Oo Ogolaaday In Diyaaradaha Ganacsiga Israel Isticmaalaan Hawadooda

Riyadh, (HCTV) – Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa ogolaatay in Diyaaradaha Israel ay isticmaalaan hawadooda marka ay u gudbayaan dalka Isku-taga Immaaraadka Carabta, kadib markii dhawaan ay wadahadalo yeesheen Saraakiil ka tirsan Sucuudiga iyo Lataliyaha Aqalka Cad, Jared Kushner, sida ay ku warantay wakaalada Wararka Reuters iyo warbaahinta Israel.

Mr Kushner iyo Ergagayga Bariga Dhexe Avi Berkowitz iyo Brian Hook ayaa arintan dhiraandhiriyey kadib markii ay socdaal ku tageen Sucucudiga oo ay arintan kala kulmeen masuuliyiinta dalkaasi.

“Waxa noo suuragashay in aanu arintaa xal ka gaadhno,” ayuu yidhi Sarkaal ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump oo la hadlay Reuters Isniintii.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA;