Diyaarada Air Jabuuti Oo Shil Ku Gashay Garoonka Diyaaradaha Garoowe

Garoowe, (HCTV) – Diyaarada Air Jabuuti ayaa saakay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, kadib markii ay soo wajahday cilad dhinaca mishiinka ah, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan Puntland.

Diyaarada ayaa inta aysan soo cago dhigin waxaa la arkayay iyadoo sii deynaysay uuro, kadibna waxay si hal haleel ah ugasoo dagtay garoonka Garowe.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in diyaarada cabaar ah loo waysanaa gaadiid dab damis ah oo ka bakhtiyaha dabka ka kacay.

Gaadhi dab damis ah oo garoonka uu lahaa ayaa la arkayay isagoo ciladaysan oo garoonka dhexyaala, taasoo fadeexad ku noqotay masuuliyiinta garoonka.

Warar aan helnay waxay sheegaysaa in ay Puntland xidhay qof dhalinyaro oo bartiisa facebook kusoo gudbiyay sawirro iyo macluumaad ku saabsan marka diyaaradu shilka galaysay iyo dab damis la’aanta dhacday.

Maamulka Puntland ayaa la filayaa inuu ka hadlo sababta shilka keentay iyo eedeymaha baraha bulshada loogasoo jeediyay.

Garoonka diyaaradaha Garowe, oo xariga laga jaray sanadkii 2018, ayaa dhismihiisa waxaa ku baxay malaayiin dollar, waana mid kamid ah garoomada ugu waaweyn Soomaaliya.