Wasiir Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Sheegay In Kenya Ay Noqotay Meel Lagaga Soo Duulo Dalkiisa

Muqdisho, (HCTV) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya meel looga soo duulo Soomaaliya kaddib markii uu xumaaday xidhiidhka siyaasadeed ee labada dal.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka hadlay sababta dowladda Soomaaliya ay dalka uga saartay safiirkii Kenya u dhiyay Muqdisho.

“Magaalada Nairobi waxay noqotay meesha Soomaaliya lagaga soo duulo, lagana noqdo heshiisyada lagu gaaray Soomaaliya, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed oo ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeena”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya qoddobadan:!: In Kenya ay dooratay in ay u Shaqeyso sida rajiimkii  TPLF, isla markaana Ciidamada Kenya ee ka Tirsan AMISOM ay degaano dhowr ah ka

baxeen, iyada aan kala tashi kala sameyn dowladda, sida degaannada Buusaar iyo Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

2: In Kenya ay faragelin joogto ah ku heyso Madaxda Maamulka Jubbaland kuna qasabto arrimo ka dhan ah danta iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed.

3: in dowladda Kenya ay safarka ku dhibaan Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada ka safra oo ay ku qasbaan baaris dheeraad ah iyo inay maraan Magaalada Wajeer.

4: In Kenya aysan daneyn dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha dalkaas,  sidoo kale ay marti geliso dad aan ka Shaqeyneyn danta Soomaaliya.

5: In dowladda Kenya ay had iyo jeer ay burburiyaan Shirkadaha Ganacsiga dalkeena, iyaga oo burburiya Xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta sida Hormuud iyo Somtel.

6: In Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay noqotay meel looga soo duulo Soomaaliya sidoo kalena lagala noqdo heshiisyada lagu gaaro gudaha Soomaaliya lagana soo abaabulo rabashadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda mid sii xumeynaya xiriirka aan markii horeba wanaagsaneyn ee labada dowladdoodKenya iyo Soomaaliya.