8 Xildhibaan Oo Baarlamaanka Puntland Xasaanada Kala Noqday

HomeSomali News

8 Xildhibaan Oo Baarlamaanka Puntland Xasaanada Kala Noqday

10 Jir U Geeriyootay Gudniinka Gabdhaha
Raadad taariikheed oo laga daah-furey Djibouti
Wasiir Faratoon Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Dhiggiisa Soomaaliya
Ciidamada COMMANDOS Ee Somalia Oo Hawlago Ku Soo Furtay Maxaabiis Ay Alshabaab Haysatay.
Wufuud Ka Socda Uganda, Kenya Iyo Djibouti Oo Somaliland Kaga Qaybgalka Xuska 18 May

Garoowe, (HCTV) – Baarlamanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xasaanada kala laabtay tiro 8 Xildhibaan ah oo lagu soo eedeeyay falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka Anshaxa gollaha wakiiladda dowladda Puntland.
35 Mudane ayaa gacanta u taagay in xilka laga xayuubiyo oo kalsoonida lagala noqday. Waxaa diiday saddex Mudane.  Hal Xildhibaana ayaa ka aamusay.
Xildhibaanadaas oo magacyadoodu kala yihiin:-
1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan
2.Xildhibaan Cabdiqani surato
3.Xildhibaan Muuse Jajabsay
4.Xildhibaan Baduugaaye
5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre
6.Xildhibaan Saleeban Faarax.
7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore
8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.
Ka hor intii aan laga ceyrin shaqada xubnahani waxaa fashilmay dadaalo ay wadeen guddiyo ka tirsan isla gudaha baarlamanka kuwaas oo xal u waayay eedeymaha loo haystay mudanayaashaan oo ay ka mid yihiin iska horkeen gollaha dhexdiisa, abaabulka fawdooyin laga soo maleegay gacmo ka baxsan siyaasada Puntland.

COMMENTS