Faransiiska Oo Sheegay Inay Xidhayaan 76 Masaajid, 66 Muhaajirna Ay Dib Ugu Celinayaan Dalalkii Ay Ka Yimaadeen

Paris, (HCTV) – Dawladda Faransiiska ayaa sheegtay inay dib u eegayso masaajido tiro badan oo looga shakiyey xagsida ay hadalka u dhigeen, isla markaana dalkaasi Faransiiska laga mastaafurin doono mujaahiriin tiro badan.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee dalka Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay inay bilaabayaan olole lagu qiimaynayo masaajidadaasi, isagoo carabka ku dhuftay in la xidhi doono 76 masaajid.

Wasiir Darmanin ayaa khamiistii maanta soo dhigay Twitter-ka waraysi uu siiyey Idaacada RTL radio, oo uu ku yidhi “Maalmaha soo socda waxaanu qaadi doonaa talaabooyin ku saabsan goobaha lagu cibaadaysto, hadii uu shaki soo galena waaanu xidhi doonaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Faransiiska.

Waxaanu intaasi ku daray in dib loo cilinayo 66 Muhaajir oo looga shakiyey Asal-Raacnimo. Dawladda Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa marar badan kaga jawaabtay weeraro dhimasho keenay, waxaanu todobaadkan balanqaaday in si weyn loo burburin doono cadowga gudaha sida uu hadalka u dhigay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.