Maamul Goboleedka Jubbaland Oo Eedo U Jeediyey Dawladda Federalka Somalia

Kismaayo, (HCTV) – Jubbaland ayaa mar kale ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay baalmartay heshiiskii siyaasadeed ee laga gaaray doorashada dalka 17-kii September 2020 kaddib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland waxaa lagu dalbaday in dowladda Soomaaliya gacanta Jubblanad ku soo celiso gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaarey oo ay ka abuurtay ay  jabhado iyada ka amarqaata.

Ugu dambeyntii, Jubbaland ayaa sheegtay in ay mar walba diyaaar u tahay doorasho waqtigeeda ku dhacda balse dowladdu wali iska dhaga-marineyso dalbka saamileyda siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashada.