Shir Nabadeed Oo Adhi-Cadeeye Uga Furmay Beelo Walaala Ah Oo Shaqaaqo Ku Dhex Martay Degaankaasi

Adhi-cadeeye, (HCTV) – Xukuumada Somaliland ayaa gogol nabadeed u fidisay beelo wada dega degmada Adhi-cadeeye oo ka tirsan gobolka Sool oo hore ay shaqaaqo ugu dhexmartay degaankaasi.

Shir nabadeedkan ayaa waxa goobjoog ka ahaa wefti balaadhan oo ka socday xukuumada Somaliland oo uu hoggaaminayo Siciid Sulub oo ah Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland, kaas oo sheegay inuu Illaahay ka baryayo in dhibtaasi dhacday inuu Illaahay u sakhiro.