Amnesty International Oo Milatariga Maraykanka Ugu Baaqday Inuu Bixiyo Magdhow Inta Aanu Somalia Ka Bixin

Nairobi, (HCTV) – Hay’adda u dooda xuuquuqda Aadanaha ee Amnesty international ayaa ugu baaIqday Milatariga Mareykanka inuusan gacmaha ka laaban waajibaadka caalamiga ah ee ka saaran dhibbanayaasha rayidka ah ee ku waxyeelooba weerarada cirka ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya.

Amnesty International ayaa hadalkeeda kusoo beegtay, ka dib markii ay ku dhawaaqday Pentagon-ka in ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya laga saari doono ugu dambeyn Janaayo 2021.

“Ciidamada Mareykanku haka baxaan ama yaysan ka bixin Soomaaliya, AFRICOM waa inay si deg deg ah u hirgeliso istiraatiijiyad lagu hubinayo in  gaaro la xisaabtanka ficillada militariga Mareykanka – oo ay ku jiraan warbixintooda ku saabsan eedeymaha dhimashada ee rayidka,” ayuu yiri Deprose Muchena, Agaasimaha Amnesty Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Amnesty ayaa ka dalbatay AFRICOM in la hubiyo caddaaladda iyo magdhawga dhibbanayaasha rayidka ah ee xadgudubka sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya,

Tan iyo markii madaxweyne Trump uu xukunka qabtay 2017, AFRICOM waxa ay kordhisay dagaalka cirka ee ay ka waddo Soomaaliya, iyada oo wadar ahaan qaadday 196 duqeyn cirka ah, iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Amnesty International waxay baaritaan ku sameysay sagaal duqeyn oo Mareykanku ka fuliyay gobollada Shabeellada Hoose, Galguduud iyo Jubbada Dhexe tan iyo 2017 waxayna ogaatay in 21 qof oo rayid ah la dilay 11 kalena la dhaawacay.