Wakaalada Biyaha Ee Hargeysa Oo Keentay Qalab Kordhinaya Biyaha Magaaladu Hesho

Hargeysa, (HCTV) – Wakaalada Biyaha ee Hargeysa ayaa maanta soo bandhigtay qalab wax ka taraya korodhka ay hesho caasimada Hargeysa.

Qalabkan ayaa isugu jira Mishiino iyo bamam kordhinaya soo saarka biyaha soo gaadha Hargeysa.

Munaasibadii lagu soo bandhigayey qalabkaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, oo uu horkacayey maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, Injineero iyo farsamo yaqaano ka tirsan Wakaalada Biyaha.

Cismaan Cabdilaahi Hirad, Maareeye ku xigeenka Wakaaalada Biyaha ee Hargeysa oo ugu horayn ka warbixiyey qalabkaasi ayaa yidhi “Waxa aynu daahfuraynaa qalab cusub oo loo keenay wakaalada biyaha ee Hargeysa oo ay ka mid yihiin Bamamka biyaha soo riixa, Injiin.

Qalabkani maaha kii ugu horeeyey ee loo keeno Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, isla sanadkan gudihiisa dhamaan Bamamka todoba ka mid ah waa la badalay, imikana intii hadhsanayd ayaa la badalayaa, iyadoo laba midhna ay u noqon doonaan kaydh,” ayuu yidhi maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha ee Hargeysa.