Somali News

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Socdaal Ku Tagay Dalka Kenya

By Ahmed Cige

December 09, 2020

Nairobi, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa booqasho labo cisho qaadaneysa waxaa ay uga bilaabatay dalka Kenya, Waxaa ku soo dhaweeyay dhiggiisa Uhuru Kenyatta.

Magaalada Mooyaale oo ah halka lagu soo dhaweeyay Abiy Ahmed ayaa la filayaa in labada mas’uul xariga ka jiraan waddo xiriirisa labada dal oo ka baxday magaalada Mooyaale.

Safarkan uu Abiy Ahmed ku joogo magaalada Mooyaale ee dalka Kenya ayaa imanaya xili dowladiisa ay ku faantay in gabi ahaanba soo afjartay dagaalkii Waqooyiga dalkaasi ka socda, gaar ahaan gobolka Tigrayga.