Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqal-Insaanka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa, (HCTV) – Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee xuquuqal-Insaanka oo lagu qabtay magaaladda Hargeisa.

Madaxweyne ku-xigeenka oo khudbad ka jeediyay munaasibdaasi ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dedaal weyn gelisay sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqal-insaanka gaar ahaan bulshadda nugul “Xukuumaddu dadaal dheeri ah ayay saaraysaa ilaalinta xuquuqal-insaanka, meelaha aan ka xusi karno in xuquuqal-insaanku sare u kacay waxa ka mida jeelasha iyo maxaabiista oo aanay ka jirin jidh-dil iyo tacaddi, taasna waayo-arag ayaynu u nahay oo wixii ina soo maray ayaa ina baray ilaalinta xuquuqdaas,” ayuu yidhi Madaxweyneu-xigeenku.