Kolanyadii Ugu Horaysay Ee Gargaar U Sida Gobolka Tigrayga Oo Gaadhay Addis Ababa

 

Addis Ababa, (HCTV) – Kolanyadii ugu horaysay ee Gargaar u sida gobolka Tigrayga ee dalka Ethiopia oo dagaal ka bilaabmay bishii la soo dhaafay ayaa maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Gargaarkan oo ay isku soo dubariday hay’adda Laanqayrta Cas ayaa isugu jira Dawooyin iyo Qalabka Caafimaadka loo isticmaalo, kaas oo noqonaya kii ugu horeeyey, oo ay aad ugu baahan yihiin dadka ku waxyeeloobay dagaalka ka socda gobolka Tigrayga ee dalka Ethiopia oo la tilmaamay in 400 qof oo ku dhaawacmay dagaalka oo ku sugan magaalada Mekele inay u baahan yihiin dawooyin.

Caasimada gobolka Tigrayga ee Mekele oo ay ku nool yihiin dad nus milyan qof ka badan ayaa ka go’nay inuu gaadho gargaar dibada uga yimaada, tan iyo markii dagaalku ka qarxay 4 bishii November.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.