Weftiga Madaxweynaha Somaliland Oo Soodhaweyn Diiran Kala Kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya

Hargeysa, (HCTV) – Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa gaadhay caasimada dalka Kenya ee Nairobi, galabnimadii maanta.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyey Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Dibada Kenya oo uu horkacayo Mr Munya, sida lagu sheegay qoraal Wasaarada Arimaha Dibada Kenya ay soo dhigtay bogga ay ku leedahay Twitter-ka.

Kaas oo lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi inuu kulan wadahadal ah uu la yeelanayo maalinta isniinta Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay ka wadahadli doonaan xidhiidhka iyo danaha labada dal ee qaangaadhka ah.