Mudane Raila Odinga Óo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxweynaha Somaliland

Nairobi, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  ayaa ka qayb-galay Munaasibad casho sharaf ahayd oo  Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu u sameeyay waftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maalintii saddexaad ku sugan dalkaasi iyo Jaaliyadda Reer Somaliland ee halkaa ku dhan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahad celiyay Mudane Raila Odinga iyo Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru kenyatta sida niyad-samida leh ee ay u muujiyeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.