Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo Socdaal Ugu Amba-Baxay Dalka Jabuuti

Djibouti (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hoggaaminaya wefdsi balaadhan oo ka socda dalka Soomaaliya ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti.

Wefdigan ayaa dalka Djibouti kaga qeyb geli doono Shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladdaha Gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona dacwad ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay dalka Kenya oo ku aadan in ay Kenya ku xadgudubtay Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Safarka madaxweyne Farmaajo waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Danjire Yuusuf Garaad Cumar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.