Wufuuda Ka Qaybgalaysa Shir Madaxeedka 38aad Ee Dalalka IGAD Oo Gaadhay Dalka Jabuuti

Djibouti, (HCTV) – Wufuud ka socota dalalka ku bohoobay urur goboleedka IGAD oo maanta ka furmaya dalka Djibouti ayaa gaadhay caasimmada dalkaaasi ee Jabuuti, waxaana Wufuudu markii ay soo gaadheen madaarka dalka Jabuuti loo sameeyey soo dhaweyn.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Jabuuti, waxaana Madaarka kaga hortagay Raysal Wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Abdulkadir Kamil.

Sidoo kale waxa goor sii horaysay gaadhay dalka Jabuuti Raysal Wasaaraha dalka Sudan oo ah gudoomiyaha xiligan ee urur goboleedka IGAD Abdala Hamdouk.

Shir goboleedkan IGAD ee maanta ka Furmiya dalka Jabuuti ayaa la fílayaa in ajandihiisa ay ka mid noqdaan xaalada dalka Ethiopia iyo khilaafa diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Somalia iyo Kenya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA