Dalal Yurub Ah Oo Joojiyey Duulimaadyada Ka Yimaada Ama Taga UK, Fíditaanka COVID19 Awgeed

Brussels, (HCTV) – Dalal badan oo ku yaala qaarada Yurub ayaa soo rogay xanibaado iyo xayiraado dhinaca socdaalka ah oo ku saabsan duulimmaadyada ka yimaada ama taga dalka Boqortooyada Ingiriiska, oo uu aad ugu sii fáafáyo COVID19.

Dalka The Netherlands ayaa maanta oo Axad ah joojiyey duulimaadyada ka yimaada UK, mudada kooban ee ka hadhay sanadkan.

Sidoo kale dalka Belgium ayaa soo saaray amar lagu xayirayo duulimmmmaadyada 24-ka saacadood ee soo socota oo ka bilaabmmaysa saqda dhexe ee caawa, kuwaas oo sheegay in dhamaanba la joojinayo isku socodka marinada Britain.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.