Shirkii Dalalka Urur Goboleedka IGAD Oo Ka Furmay Jabuuti Iyo Arimaha Lagaga Hadlay

Jabuuti, (HCTV) – Shirkii 38aad ee dalalka urur goboleedka IGAD ayaa maanta ka fúrmay dalka Jabuuti.

Shirka IGAD oo ay martigalisay Jabuuti waxa gudoominayey Raysal Wasaaraha Sudan Cabdalla Xamduuk, waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha Somalia, Raysal Wasaaraha Ethiopia, waxa lagaga hadlay arimo dhawra oo ay ka mid yihiin dagaalka dalka Ethiopia, iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee dalka Kenya iyo Somalia.

Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika Moussa Faki Maxamad, kaas oo ka codsaday dalalka Somalia iyo Kenya  oo daris ah in dib loo soo celiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed, isagoo intaa ku daray waa in aynu xasuusanaa in Kenya ay ka mid tahay wadamada ciidamada ku taageeray Somalia, isla markaana Kenya ay martigalisay qaxoonti badan oo Soomaali ah.

Kadib waxa shir albaabadu u xidhan yihiin yeeshay madaxweyneyaasha dalalka IGAD, kuwaas oo la Filayo in ay war-murtiyeed ka soo saaraan shirka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.