Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Xisbiga ANC Ee Haya Talada Dalka Koonfur Afrika

Hargeysa,  (HCTV)  – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).

Dhinaca weftiguna waxay ka koobnayeen

  1. Mr Abner Mosaase
  2. Mr. Malose Ramashala
  3. Mr Allen Magumbi