Madaxa WHO Oo Sheegay In Dagaalka Ethiopia Uu Si Shakhsi Ah U Taabtay

Geneva, (HCTV) – Madaxa hay’adda Caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa jeediyey hadal dhif iyo nadir ah, uu ka hadlayey maanta oo Isniin ah xanuunka shakhsiyadeed ee uu ku hayo dagaalka ka sii dar=aya eek a socda dalka uu ka soo jeedo ee Ethiopia.

“Cudurka Covid19 waxa ii dheer, sanadkan 2020 waxa uu ii ahaa aniga mid aad u adag, sababtoo ah dalkayga ayaa ku jira dagaal,” sidaasi ayuu Tedros u sheegay war-fídiyeenada mar uu ka hadlayey shirkii Jaraa’id ee ugu dambeeyey ee ay qabato hayv’adda caafímaadka Adduunku ee Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo sanadkii u dambeeyey la siiyey Biladda Nabada Aduunka, ayaa ciidamada ku amray inay weeraraan gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalka Ethiopia bishii November 4-teedii, isagoo sheegay in hawlgalkaasi uu jawaab u yahay weeerar ay saldhig milatari oo ciidamada féderalku leeyihiin ay ku qaadeen maamulkii gobolkaasi Tigrayga ee TPLF.