Sudan Oo Sheegtay Inay Dib Qabsatay Dhamaanba Dhulkii Ay Ka Heysatay Itoobiya

Khartoum, (HCTV) – Kaddib toddobaadyo isku dhac ah Sudan waxaa ay sheegtay in ay gabi ahaanba gacanta ku dhigtay dhamaanba dhulkii ay horey uga heysatay Itoobiya kuwaa oo ku yaala xudduuda labada dal ay wadaagaan.

Dhulkan ay sheegtay Sudan in ay qabsatay ayaa waxaa deggenaa muddo dheerna ku noolaa beerley Itoobiyaan ah.

Itoobiya oo arrintan ka hadashay ayaa ku eedeysay dhiggeeda Sudan in ay in ay u soo dirtay xudduuda dalkeeda ciidamo si ay halkaa weerarro uga geystaan.

Wada-hadallo u dhaxeeyey labada dal ayaa burburay toddobaadkii tegay, saraakiisha Sudan ayaa sheegay in Ethiopia aysan si rasmi ah muran uga keenin dhulkan, hase yeeshee hadallada saraakiisha Addis Ababa ayaa taas burinaya.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti wuxuu ku sheegay in Sudan ay ciidamo usoo dirtay dhulka Ethiopia.

Hasse ahaatee waxaa taas ku gacan seeray madaxa golaha madax-banaanida Sudan Jeneral Abdelfattah al-Burhan.

“Sudan kama tallaabin kamana tallaabi doonto xuduudaha caalamiga ah, kumana xadgudbi doonto deriskeena Ethiopia,” ayuu yiri General Abdelfattah al-Burhan oo Khamiistii ka hadlay munasabadda maalinta xoriyadda Sudan.