Afar Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

HomeSomali News

Afar Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Sagootiyey Kooxda Kubadda Cagta Ee Maqalka Naafada Ka Ah Oo Tartan Caalami Ah Kaga Qayb-galaya Jabuuti
Diyaarad Dagaal Oo Uu Waday Duuliye Boortaqiis Ah Oo Lagusoo Riday Liibiya
Tiradda Heshiisyada ay Somalia gashay sannadahani iyo kuwa ay joojisay
Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay Xildhibaannada Cusub Ee Maamulka Jubbaland
Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Go’aan Ka Gaadhay Xoolaha Magaalo Joogga ah.

Muqdisho, (HCTV) – Qarax ismiidaamin ah ayaa lagu dilay  ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Turkiga oo ka shaqeynayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay in hal qof oo Turkish ah uu ku jiro dadka ku geeriyooday qaraxa.
Waxay kaloo sheegtay in ugu yaraan afar kale oo u dhashay dalka Turkiga ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ahaa ismiidaamintii  ugu horeeysay oo Alshabaab geystaan sannadkan cusub.
“Waxaan si xoogan u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun,” ayaa lagu yiri qoraalka. Xukuumada Ankara ayaa sheegtay in ay garab istaagi doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Weerarka oo ay sheegatay kooxda al-Shabaab, ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday muwaadiniinta Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo iskugu jira Injineero iyo shaqaale dhisme oo ka shaqeynayay dhismaha wadada ah Muqdisho iyo Afgooye.
Weerarkii maanta ayaa yimid saacado kadib markii dowladda Maraykanka ay duqeyn cirka ah la beegsatay idaacadda al-Shabaab ee Andalus oo kutaala tuulada Kuunyabarow, ee gobolka Shabeellada Hoose.’

COMMENTS