Dowladda Soomaaliya Oo Mamnuucday In Hub Lala Galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

HomeSomali News

Dowladda Soomaaliya Oo Mamnuucday In Hub Lala Galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

SAWIRRO: Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Gini
Roobab Baraf Leh Oo Ka Da’ay Gobalka Gabiley + Khasaaraha
Nin Shacab Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Laascaanood
Kuuriyada Koonfureed Oo 360 Gantaal Oo Digniin Ah Ku Riday Diyaarado Hawadooda Soo Galay
Ciraaq: Mowjado Kulayl Ah Oo Beddelay Hab-nololeedkii Shacabka

Muqdisho, (HCTV) – Wasaaradda amniga gudaha ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in hub lala galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda waxay sheegtay amarkaan inuu ka yimid raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kadib markii maamulka garoonku uu cabasho kasoo gudbiyay hubka lala galayo garoonka diyaaradaha.

Go’aankan oo soo baxay 29 December 2020, ayaa hubka u fasaxaya kaliya madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo labada guddoomiye ee barlamaanka. Wixii kasoo hara waxaa lagu amray in ay hubkooda uga tagaan bannaanka hore ee garoonka.

Tallabadaan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo dalku ku jiro xaalad doorasho ayna jiraan dad badan oo dowladda kasoo horjeeda oo hubaysan, oo marka ay garoonka kasoo dagayaan hubkooda gudaha ula gala.

 

COMMENTS