Midowga Musharaxiinta Madaxweyne Ee Soomaaliya Oo Ka Digay Heshiis Shidaal Baadhis Oo Dowladdu La Galayso Shirkaddo Ajnabi Ah

Muqdisho, (HCTV) – Golaha midowga murashixiinta  Madaxweynaha Ee Soomaaliya ayaa soo saaray digniin ku saabsan halista heshiis qarsoodi ah oo shidaal baaris ah oo ay dowladda federalku la galayso shirkaddo shisheeye.

Murashixiinta waxay sheegeen in wasaaradda macdanta iyo batroolka oo dowladda wakiil u ah ay dhawaan heshiis shidaal baaris ah la galayso shirakaddo laga leeyahay dalka dibadiisa.

Shirkadahaas oo lagu kala magacaabo Liberty iyo Coastline ayay murashixiinta sheegeen inay damacsan yihiin in loo saxiixo heshiis shidaal baaris oo halis ku ah kheyraadka ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed.