Ergeyga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia Oo Ka Hadalay Xaalada Hirshabeelle

HomeSomali News

Ergeyga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia Oo Ka Hadalay Xaalada Hirshabeelle

Faysal Oo Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Faro-gelinayo Shirkadaha Daabula Xujaajta
HCTV CUP: African Relief Oo Ku Guulaystay Koobkii Garoonka GURO-SAMO
Rabshado Ka Dhacay Sudan Oo Lagu Dilay Dibadbaxayaal Iyo Askari
Kashmir: 31 Qof Oo Ku Dhintay Shil Bas
Somaliland: Wiil Ku Dhintay Dhaam-Biyood, Carruur Guri Ku Gubtay & Booyad Shidaal Oo Qaraxday

Muqdisho, (HCTV) – Ergeyga Qarramada Midoobey u qaabilan Soomaailya Mr James Swan oo khadka Aalada Zoomka kula hadlay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudllaawe ayaa sheegay muhiimada wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka taaggan Hirshabeelle.

Sidoo kale James Swan ayaa arintan kala hadlay Wasiirka Wasaarradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Jen Mukhtaar Xusseen Afrax waxaa uu carabka ku adkeeyay Swan  muhiimada  wada hadal dhaxmara dhammaan daneeyayaasha si loo helo dib u heshiisiin Hirshabeelle dhaxdeeda ah

Dhinaca Qarramada Midoobey ayuu sheegay in ay diyaar  u yihiin taageerro kasta oo lagu bixinayo dadaallada  dib-u-heshiisiineed si loo soo afjaro khilaafka ka taaggan dhismaha Hirshabeelle.

Arrintan ayaa imaneyso xili magaalada Beledweyne ay wali ka jrto xiisad ka dhalatay hannaanka loo marayo dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle, taasoo keentay in uu meesha ka baxo safar uu Beledweyne ku iman lahaa madaxweyne Cali Guudllaawe.

COMMENTS