Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweynaha Galmudug Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Doorashada Soomaaliya

Muqdisho, (HCTV) –  Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ay ka wada hadleen khilaafka wali ka taaggan qabsoomida doorashada dalka.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa toddobadyadii ugu danbeeyayba u muuqda in uu isku soo dhaweynayo madaxtooyada Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee diidan doorashada gaar ahaan madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe’]

Ilo xog ogaal ah oo kulanka ku dhaw ayaa sheegay in leyskula soo qaaday arrinta Gedo oo ah caqabada ugu weyn ee hor taaggan doorashada, waxaana lagu ballamay ayeey wararku sheegayaan in Axmed Madoobey lagu qanciyo ka qeybgalka hannaanka doorashada iyadoo la xalinayo arrinta gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horrey kulan kan la mid ah waxaa uu ula qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo ay isla soo qaadeen in Koonfur Galbeed bilowdo doorashada xubnaha Aqalka sare, waxaana isla maalintii shalay gaaray magaalada Baydhabo xubno ka tirsan guddiga doorashada.