Qarax Ka Dhacay Muqdisho Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay

Muqdisho, (HCTV) –  Saddex qof ayaa ku dhintay shan kalena waay ku dhaawacmeen kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay la bartilmaameedsaday gaadhi  ay lahaayeen ciidanka Asluubta Soomaaliya  oo marayay waddada KM4 ee degmada Hodan.

Goobjoogaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga la bartilmaameedsaday uu lahaa mid ka mid ah taliyayaasha ciidanka Asluubta oo goobta marayay.

Qaraxan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii sidan oo kale la bartilmaameedsaday gaari uu lahaa Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali waxaana qaraxaasi ku geeriyooday Saddex qof oo rayid ah.

Bilihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada noocan ah ee lagu bartilmaameedsado mas’uuliyiinta dowladda, hasse ahaatee qaraxyada ayaa inta badan waxaa ay wax-yeelo ka soo gaartaa dadka rayidka ah.