Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Oo Gaadhay Magaalada Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) –  Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa gaaray magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay xilkan 11 bishii November, 2020.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu wadaa in looga yeeray Muqdisho isaga oo kulamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa dalka.

Maamulka Hirshabeelle tan iyo wixii ka danbeeyay markii la doortay madaxda ugu sarreysa waxaa uu wajahayaa xaalad adag kaddib markii ay ka soo horjeesteen bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo ku tilmaamay dhismaha maamulka mid aan laga fiirsan.

Madaxda dowladda federaalka iyo Guudlaawe ayaa lagu wadaa in ay ka wadahadlaan xaalada gobolka Hiiraan iyo kacdoonka ka dhan ah maamulka ee ka jira magaalada Beledweyne.

Qarramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in loo baahan yahay dib-u-heshiisiin iyo dib loo eego tabashada bulshada gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah maamulkan Hirshabeelle.

Sidoo kale Cali Guudllaawe ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadllaan madaxda ugu sarreysay dalka arrimaha doorashooyinka iyo ka qeybgalka shir la filayo in looga wadahadlo qabadaha ku gadaaman doorashada.

Mas’uuliyiinta ku soo dhaweysay garoonka waxaa ka mid ah duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish iyo madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.