Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Oo Ka Bilaabantay Gobolka Sool

Laascaanood, (HCTV) – Degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Sool ayaa saaka laga bilaabay diiwaan gelinta codbixitayaasha doorashada Somaliland.

Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxda sadexda xisbi iyo xukuumada ayaa wada wacyigelin ay dadka ka dhaadhicinayaan in ay qaataan kaadhka codbixinta.

Gudoomiyaha xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa maray dhawr goobood oo uu ka mid yahay dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf, isagoo ardayda ugu baaqay in ay isdiiwaan geliyaan.

Sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo uu hormuud u yahay wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa degaano badan marayey si uu dadka uga dhaadhiciyo inay kaadhadhka qaataan, si ay u muujiyaan awoodooda iyo muga dadkooda.

Degmooyinka gobolka Sool oo ay ka mid yihiin Xuddun iyo Taleex oo aanay jirin dad badan oo horey uga diiwaan gashanaa ayaa ah degaanada sida aadka ah diirada ay ugu hayaan masuuliyiinta gobolka ee haatan xilalka ka haya iyo kuwo haatan deganadaa ka sharaxan.

Qaybo ka mid ah gobolka Sool oo aanay doorashadu ka dhicin ayaa jira kuwaas oo ay ka mid yihiin Boocame oo odayaal ka soo jeedaa ay warsaxaafadeed ku codsadeen in la soo gaadhsiiyo.

Waxaa degaano ay cabsi ka jirto iyadoo ay jiraan dad diidan ka midnoqoshada Somaliland haba u badnaadaan dhulka ood wadaagta la ah Puntland, iyadoo ay weli isdiiwaan gelintu u socoto si degan.