Trump Oo ‘ANTIFA’ Ku Eedeeyey Weerarkii Congress-ka, Xili La Diyaarinayo In La Soo Gole Joojiyo

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa si gaar ah ugu eedeeyay “dadka Antifa” inay weerareen Xarunta Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka ee Copital Arbacadii la soo dhaafay, in kasta oo muuqaal cad iyo dukumentiyo ay muujinayaan in rabshadaha ay sameeyeen taageerayaashiisu, sida ay werisay shabakadda Axios.

Trump ayaa ku hanjabay inuu ku tilmaami doono kooxdan “argagixiso” ka dib banaanbaxyo ka dhashay dilkii George Floyd, oo ahaa nin Madow ah oo aan hubeysnayn, iyo falal kale oo naxariis daro ah oo ay geysteen boolisku.