Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Oo Gaadhay Magaalada Baydhabo

Baydhabo, (HCTV) – Waxa goor dhaw gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay wafdi uu horkacayo Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Wafdiga Swan ayaa kulan gaar ah la yeelan doona madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdcasiis Xassan Maxamed oo lagu waddo in ay ka wadahadlaan arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhawaan ku laabtay magaalada Baydhabo kaddib kulamo uu madaxda dowladda kula yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana jiray warar soo baxaya oo sheegaya madaxweyne Lafta-gareen uu bilaabayo doorashada Aqalka Sare.

Beesha Caalamka ayaa ka diggay in la qabto doorasho aan loo dhameyn oo aysan ka qeybgalin dhinacyada ay quseyso oo dhan.