Yoweri Museveni Oo Ku Guulaystay Doorashadii Ka Dhacday Dalka Uganda

Kambala, (HCTV) – Madaxweynihii mudada dheer xukumayey dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee ka dhacday dalkaasi.

Natiijada Doorashada oo lagu dhawaaqay Maanta ayaa la sheegay inuu ku guulaystay Madaweyne Yoweri Museveni oo qabtay dalada dalkaasi 1986-kii, kaas oo helay 59 % codadkii la dhiibtay.

 

Hase yeeshee Musharixii la tartamayey oo la yidhaa Robert Kyagulanyi, kuna caan ah magaca Bobi Wine, ayaa sheegay in doorashada lagaga shubtay, waxaanu shacabka ugu baaqay in ay diidaan natiijada.