Maraykanka Oo Diyaarada Wax Duqaysa Ee B-52 Dulmariyey Bariga Dhexe Iyo Iran Oo Cambaaraysay

Tehran, (HCTV) – Maraykanka ayaa mar labaad dul mariyey Bariga Dhexe diyaar=ada wax duqaysa ee US B-52 Bomber, taas oo dawladda Iran ay ku tilmaantay mid lagu cabsi galinayo.

Iran waxay sheegtay in Maraykanku miisaaniyadd badan uu ku bixinayo milatariga, oo aanu ku bixin dhinaca daryeelka caafimaadka Maraykanka.

Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa Axadii sheegay in talaabadan diyaarada lagu dulariyey bariga dhexe ay qayb muhiim ah ka tahay difaaca ee CENTCOM” Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee militari ayaa imanaya iyadoo dadka falanqeeya arrimaha amniga ay ka digeen in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu talaabo militari ka qaadi karo Iran maalmaha ugu dambeeya ee uu xafiiska joogo.

Wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa cambaareeyay howlgalka B-52 Axaddii, isaga oo yiri haddii tallaabadu ay tahay isku day lagu cabsi galinayo Tehran, markaa Mareykanku wuxuu ka fiicnaan lahaa inuu balaayiinkiisa millatari ku bixiyo “caafimaadka canshuur bixiyeyaashaada”.