Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho Oo Lagu Dilay Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Deegaanka Garasbaaley

HomeSomali News

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho Oo Lagu Dilay Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Deegaanka Garasbaaley

Pakistan Oo U Dhawaanaysa Ruushka
Dubai Oo Qaaday Olole Ka Dhan Ah Dawarsiga, Soona Qabatay Nin Bishii Ka Sameeya Dh100,000
Taliyaha Hawlgalada Afrika Iyo Safiirka Maraykanka Oo Kulan Muqdisho Kula Yeeshay Raysal Wasaaraha Somalia
Gaadhi Laga Soo Xaday Afhayeenka Madaxweynaha Uganda Oo Laga Helay Kenya
Dawladda Soomaaliya Oo Ganafka Ku Dhufatay Warbixin Ay Soo Saartay Guddi Loo Saaray Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya

Muqdisho, (HCTV) – Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo siyaasada  deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho Cali Maxamed Macalin.

Sidoo kale waxaa qaraxan lagu dilay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada oo lagu magacaabo Cabdirashiid Dubad, darwalkii guddoomiye ku-xigeenka iyo Askari ilaalo u ahaa oo la socday gaariga la weeraray.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad kale oo khasaarro dhimasho iyo dhaawacba leh uu qaraxan ka soo gaaray.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa isugu jiray dad saarnaa gaariga la bartilmameedsaday iyo kuwa kale wadada marayay sida sheegeen goob joogayaal ku sugnaa halka uu qaraxan ka dhacay oo ah agagaarka Warshadda Barafka Jidka 30-ka ee degaanka Garasbaaleey.

COMMENTS