Ciidamada Uganda Oo Sheegay Inay Dileen 189 Dagaalyahan Oo Ka Tirsan Al-Shabaab

Siigaale, (HCTV) – Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)  ayaa sheegay in ay mar kaliya dileen ugu yaraan 189 dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab weerar ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen.

Sida lagu sheegay war uu soo saaray ku xigeenka afhayeenka ciidamada UPDF Lt Col Deo Akiiki jimcihii, ciidamada Uganda waxaa ay weerareen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al Shabaab oo ku taala deegaanka Siigaale oo qiyaastii 100 KM Koonfur Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho kana tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale sheegay in ay weerarkan ku burburiyeen qalab militari oo ay lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Sidoo kale wuxuu afayeenka xusay in iyaga wax khasaaro ah aysan soo gaarin, waxaana howlgalka ka qeyb qaatay Brig. Don Nabasa oo ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee ciidmada Uganda.

Waa tiradii ugu badneyd oo ay Uganda sheegato in ay mar kaliya ka dishay Al-shabaab tan iyo markii ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xoogagga Ururka Al-shabaab.