Qarax Ka Dhacay Muqdisho Oo Khasaare Dhimasho Sababay

Muqdisho, (HCTV) – Qarax ayaa maanta magaalada Muqdisho lagula beegsaday gaadhi ay la socdeen masuuliyiin hore oo marayay degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Gaadhiga ayaa waxaa la socday xildhibaan hore Muxuyidiin Xassan Afrax iyo Xusseen Caraale oo labaduba horay xildhibaanno u soo noqday, kuwaa oo la sheegay ku dhaawacmeen qaraxan.

Waxaa sidoo kale ku dhintay sadex askari oo la socday gaariga qaraxa lala eegtay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya qaraxyo dhowr ah oo sidan oo kale uga dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu dilay mas’uuliyiin kala duwan iyo saraakiil ciidan intaba.