Wakiilka Qarramada Midoobay Ee Somalia Oo Dhuusa-Mareeb Kula Kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Dhuusa-Mareeb, (HCTV) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay U qaabilsan Somalia, James Swan.

Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo  Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Shir jaraa’id ayay si wada jir ah u qabteen Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa uga hadleen wax yaabihii ay ka wada hadleen.

Kulanka ayeey sheegeen in ay ka wada hadlleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dib-u-heshiisiinta, iyo hormarintan arrimaha Bani’aadannimada iyadoo dhinaca kalana leys kula soo qaaday arrimaha doorashada Soomaaliya sanadka 2021ka.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo is daba joog ah oo beesha caalamka ay cadaadis ku saareyso madaxda Soomaalida in ay dalka ka dhacdo doorasho wadar ogol ah.

Maalmaha  soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in James Swan uu kulamo la qaato mas’uuliyiin kale oo qeyb ka ah hannaanka doorashada dalka.