Kenya Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay In Ciidamo Ka Soo Tallaabay Xudduudu Ka Dagaalameen Gudaha Soomaaliya

Nairobi, (HCTV) – Wasiirka Wasaarrada Amniga dowladda Kenya Fred Matiang’i ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn dowladda Soomaaliya oo ah in ay dagaalka Gedo ka qeybqaateen ciidamo ka soo gudbay dhinaca xadka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo ka gudbay xadka oo ka qeybqaatay dagaalkii Beled-Xaawo isaga oo intaa ku darray in dagaalkaasi uu ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Jawaabta Wasiirka Amniga Kenya ayaa noqoneysa mid toos ah oo ka dhan ah eedeynta uga timid dhinaca dowladda Soomaaliya marka loo eego qoraalkii shalay ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Kenya.

Xiriirka labada dowladood Soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyayba ahaa mid sii xumaanayay kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ku eedeysan Kenya ay fara-galin qaawan ku heyso madax-bannaanida dhulleed jiritaanka Qarannimada Soomaaliya.